Darqiiqa guri lagu helo

Sidan ayaa loo sameeyaa

Shirkada adeega guryuhu waxay qeybisaa guryo kiro ah oo dhamaan
gobolka Stockholm ku yaala. Shaqadayadu waxa weeye inaanu guryaha
kirada u bixino sida ku xidhan kiyuuga. Nidaamka kala horeynta.
Maalinwalba waxaanu bixinaa in ka badan 40 guri. Halkan ayaad
ka akhriyi kartaa sharaxaad kooban oo ku sabsan waxa la sameeyo
si guri loo helo ah.

1. Kiyuuga guryaha iska diiwaan gali

Qofkasta oo buuxiyey 18 sanno oo leh lambarka shakhsiga ee Iswiidhishka (personnummer) ama lambarka iskuxidhka (samordningsnummer) ayaa kiyuuga gali karra.

Waxaad taas ka sameyn kartaa www.bostad.stockholm.se. Qiimuhu waa 200 sanadkii. Maxaad galin kartaa qof kula dalbanaaya.

2. Guri raadso oo dalabka aga soo gudbi

Waxaad adigu u baahan tahay inaad raadiso guro oo dalabkaaga guryaha banaan ee lagu soo qoro boggayaga internedka aad soo gudbiso. Cinwaanka Sök bostad (guri-raadi) ayaad ka helaysaa guryaha banaan.

Waxaad koonto ka furaneysaa goobta Mina Sidor (Boggageyga) ee bogayaga. Kadibna waxaad soo gudbin kartaa dalabkaaga guryaha ba’naan.

Kireeyayaashu waxay kala yeelan karaan shuruudo kala duduwan: tusaale ahaan dalab lagaa rabbo inu dakhligaagu yahay wax cayiman. Qaarkood ayaa ogolaadaan kaalmada caydha.

Waxaad ugu badanaan halkii marba sameyn kartaa saddex jeer inaad dalabkaaga soo sheegto.

Waxa inta badan la iskaga baahan yahay inaad kiyuuga wakhti ku jirto si ad guri u hesho.

Inta ay qaadaneyso waxay ku xidhan tahay meesha iyo inta ay leegtey kirada aad iska bixin kartaa.

Waxay inta badan loo baahdaa kiyuu ka gaaban markaad ka fogaato badhtahama/sentarka Stockholm ama inay kiradu ka qaalisan tahay.

3. Eegista guriga

Hadii aad dalabkaaga soo gudbisey oo aad tahay kuwa ugu horeeya kiyuuga ayaa lagugu casuumi inaad guriga soo eegto. Guryaha qaarkood ayaan la soo eegi karin. Markaas ayaa la arkaa sawirka dhismaha guriga.

Kireeyayaasha intooda badan waxay dalbadaan inaad soo eegto.

Diyaariso shahaadooyinka loo baahan yahay maadaama oo ay dhakhso u dhamaan karto haddii aad haa tidhaahdo.

4. Jawaab soo celin

Kadib marka lagu soo tusey, ayaad u baahan tahay inaad haa ama maya ku jawaabto haddii aad wali xiiseynayso guriga. Waxaad taas ka sameynaysaa Mina sidor (Boggageyga) ku yaala bostad.stockholm.se.

Warqada casuumada ee aad ku soo eegayso waxa ku dhigan wakhtiga aad ugu danbeyn jawaab ka soo celinayso haddii aad xiiseynayso guriga.

Gaar ahaan, dhismayaasha cusub, ayaa laga yaabaa in laguu soo bandhigo guri oo aad eegtid. Waa inaad markaa u kala horeysiiyo sidaad u kala xiiseynayso.

5. Tusida cadeynta

Haddii aad wakhtiga ugu badan kiyuuga ku jirtey ee dhamaan dadka haa ku soo jawaabay ayaanu kula soo xidhiidhi doonaa. Waxaad markaas u baahan tahay inaad tusto cadeyn muujineysa inaad buuxisey shuruudaha kireeyaha.

Cadeymaha inta badan la is weydiiyo waxa weeye sida kuwa shaqada dakhliga, meesha aad hadda degantahay iyo inta qof ee qoysku ka kooban yahay.

Ardeyda raadinaaya guryaha ardeyda waa inay cadeyn karaan in wax ka baranayaa jaamacad ama jaamacada xirfada.

Waxa u dhaxeeya wakhti gaaban marka laga soo bilaabo markaanu ku soo wacno ilaa markaad aad ku qasban tahay inaad cadeymaha keento. Markasta sii diyaarso cadeymahaaga.

6. Heshiiska saxeex oo ku soo guur

Marka aad soo gudbiyo cadeymahaaga muujinaaya inaad buuxineyso shuruudaha, ayaanu kireeyaha kuugu soo bandhigeynaa inaad kireyste tahay. Kireeyaha ayaa ku soo ogolaanaaya isagoo markaa kula soo xidhiidhi doona. Markaa ayay tahay wakhtigii lagu soo guuraayey.

Intaa wixii ka danbeeya ayaa dhamaan wadahadalka lala sameynayaa kireeyahaaga. Waxaad kirada siineysaa kireeyaha.

Ka fikir inaad xafiiska cashuuraha (Skatteverket) ka soo bedesho cinwaanka aad ka diwaan gaashan tahay markaas oo guurto.

7. Hambalyo hoygaaga cusub

Waxaanu rajeynaynaa inaad ka heli doonto! Waxaad ku sii jireysaa kiyuuga ilaa inta aad bixinayso fiiga sanadka. Laakiin wakhtigaagii kiyuugu waxa uu kasoo bilaabmayaa eber. Kiyuugaga cusub waxa uu ka bilaabmayaa maalinta aad heshay gurigaaga cusub.

Waxaad ku sii jireysaa kiyuuga haddi aad guri ku heshay adigoo guri kontaraag gaaban leh, guri ardey ama guri dadka waaweyn 65+.